Xubnaha Mucaraadka oo ku dhawaqay Gudi, islamarkana looga soo horjeedo Dowlada soomaliya

Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa magacabay guddi ka kooban 28 xubnood, oo loogu magac daray Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Dalka.

Guddigan ayaa waxaa lagu magacaabay shir ay Mucaaradka shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeedo Dowlada Soomaaliya, islamrkana lagu carqaladaynayo hananka Doorashada ee horaanta sanada 2021da.

Afhayeenka Midowga Mucaaradka, Ridwaan Xirsi ayaa sheegay iguddiga ay magacaabeen in ay ka shaqeynayaan sidii ay doorasho xor iyo xalaal ah oo qof walba ku qanacsan yahay dalkan uga dhici laheyd,taasi oo u muuqata in xubnaha Mucasradka ay ka shaqaynayaan kincinta bulshada iyagoo ka dhex abuuraya fursad ay ku raasinayan in dalka uu galo qalalaase siyaasadeed.

Xubanaha Mucaaradka oo lafahansan yahay in ay la shaqeeyaan Dawladaha Shisheeye, islamrkana lagu eedeeyo in aysan masuuliyad iska saarin hormaarka shacabka iyo Dowladnimada Dalka, ayaa isku bahaystay in ay heelaan oo kalaiya jagada Madaxwaynimo, taasi oo ay u marayaan wado kasta oo ay ku hanan karaan jagada ugu sareysa ee Dalka.

Magacaabista guddigan ayaa imaneysa, ayada oo Guddiga doorashada heer federaal ay shalay kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho kuna doorteen guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa.

Maxamed Xasan Maxamed ayaa loo doortay Gudoomiye, halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen ee Gudiga Doorashooyinka ee heer Faderaal