Xogo laga helay dhaqaatiirtii udhalatay Cupa ee sanad kahor lagu afduubtay dalka kenya.
Labo Dhakhtar oo u dhalatay dalka Kuuba oo ay Dagaalamayaasha Al shabaab ka soo qafaasheen gudaha dalka Kenya 9 bilood ka hor ayaa la sheegay inay caafimaad qabaan.
Shabakadda Wararka ee Oncubanews.com ayaa qortay inay Dowladda Kenya xaqiijisay in ay Dhakhaatiirtaasi nool yihiin, isla markaana ku hawlan yihiin sidii loo sii dayn lahaa iyagoo bad-qaba.
Labada Dhakhtar ee u dhalatay dalka Kuuba oo lagu kala magacaabo Landi Rodrigez iyo Assel Herrera Koree’a waxaa la sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab ka soo kaxaysteen magaalladda Mandera ee W/bari Kenya, ee u dhow Xuduudka Somalia bishii April 12-dii ee sannadkii hore.
Afhayeenka Dowladda Kenya, Kirus Oguna oo la hadlay Wakaalladda Wararka dalka Spain ee EFE News Agency ayaa sheegay inay Dhakhaatiirtaasi caafimaad qabaan, isla markaana uu socdo qorshaha lagu soo badbaadin laaha, waa sida uu hadalka u yiri. Afhayeenka waxa uu mar kale ku celiyey inay Dowladiisa ka go’an tahay inay sii wadaan badbaadintooda, isla markaana ay weli nool yihiin.
Mar wax laga weydiiyo inuu sheego halka ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku hayaan Labada Dhakhtar ee u dhalatay dalka Kuuba, waxa uu ku gaabsaday inuusan shaacin Karin sababo dhanka Ammaanka, waa sida uu hadalka u dhigay.