xildhibaano iyo siyaasiyiin cambaareeyay diyaaraddii shalay ka degtay kismaayo
Shir ay magaalada muqdisho ku qabteen xildhibaano,iyo siyaasiyiin ka soo jeedda dowlad goboleedka jubaland ayay walaac kaga muujiyeen xaalada siyaasadeed ee ka jirta magaalada kismaayo ee xarunta kmg u ah jubaland.
Xildhibaan daahir amiin jeesow oo ka mida xildhibaanada golaha shacabka ayaa dowlada faderaalka soomaliya ugu baaqay in ay talaabo ka qaado diyaaradii shalay ka degtay magaalada kismaayo,oo uu sheegay in ay qal-qalgalisay hawada dalka.
Xildhibaan jeesow waxa uu sidoo kale cambaareeyay xildhibaanadii iyo siyaasiyiintii gaaray magaalada kismaayo,waxaana uu cadeeyay in xildhibaanadaas ay dayaceen masuuliyadii ay ku matalayeen shacabka.
Shalay ayay magaalada kismaayo si sharci darro ah uga degtay diyaarad sidday siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen hogaamiyayaashii hore ee galmudug iyo k/galbeed kuwaas oo sheegay in ay ka qeybgalayaan iscaleema saarka uu sameysano madaxweynihii waqtigiisu dhamaaday ee jubaland.