xildhibaanada puntland oo dalbaday in dib loo eego heshiiskii uu saciid deni la galay imaaraatka

Xildhibaanada golaha wakiilada Puntland ayaa maanta yeeshay fadhigoodii 2aad ee kalfadhiga 45aad oo shalay furmay, kuna bilowday su’aalo  kulul oo ay xildhibaanadu weydiiyeen madaxweynaha puntland.

 Kulanka goluhu maanta ayey dood dheer ka yeesheen  oo Ajendayaasha goluhu ay ka doodayaan fadhiyada soo socda.

Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa qaab-qoraaleed u soo gudbiyey Ajendayaasha ay tahay in laga doodo, waxaana arrimaha ugu waa weyn ka midnoqday mashaariicda dawladda Imaaraatka Carabta ay ka wado gudaha Puntland.

Sidaas oo kale, xildhibaanada qaarkood waxay soo jeediyeen in loo yeero Madaxda ugu sareysa dawlad goboleedka Puntland oo wax laga weydiiyo jihada ay ku wadaan puntland  iyo In dib loo eego tayada xubnaha wasiirada Puntland.


Dood xoogan oo golaha ka dhacday, ka dib Xoghayaha baarlamaanka ayaa sheegay in dibu eegis lagu sameynayo Ajendayaasha oo ka dib la horgeyn doono golaha si ay uga doodaan.

Xiisado siyaasadeed oo aad u kulul ayay wajahayaan madaxweynaha puntland iyo ku xigeenkiisa kaas oo la bilowday kalfadhiga 45-aad ee golaha wakiilada puntland.

Madaxweynaha saciid c/llaahi deni ayaa la jahwareersan sidii uu uga dabaalan lahaa mowjadahan siyaasadeed ee hor yaalla golaha wakiilada puntland.