Xildhibaanada Labada Aqal oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiiskii doorashada
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa waxay ku meel mariyeen Heshiiskii siyaasadeed ee doorashada oo ay dhowaan Muqdisho ku gaareen Dowlada faderaalka iyo Dowladaha Xubna ka ah Federaalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in aan heshiiskan siyaasadeed waxba laga bedeleyn oo sidiisa loo dhaqan gelinayo.
Intaas kaddib Guddoonka ayaa amray in cod loo qaado, waxaana heshiiska ogolaatay 252 Xildhibaan, halka 2 Xildhibaan ay diiday, waxaa ka aamusay 1 Xildhibaan.
Guddoomiye Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu caddeeyay in heshiiska siyaasadeed uu ansax yahay.