Xildhibaan ayaa Laga Saaray Xisbiga shiiq shariif isagoona sheegay inuu Xukuumadda Somalia la Aragti noqday
Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii Himilo Qaran ee looga joojiyey xubninadii xisbigaasi.
Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo tallaabadaasi, wuxuuna tilmaamay in ay isku ku aragti ka noqon waayeen arrimo masiiri ah xubnaha qaar ee xisbiga iyo isaga, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay isku aragti ka noqdeen arrimaha Galmudug, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.
Ugu dambeyn wuxuu markale ku celiyey in ciidamo Itoobiyaan ah aan la geyn gudaha magaalada Dhuusamareeb, isagoo sheegay in cadeyn loo baahan yahay.