Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka soo saaray digniin culus ku dhaqanka Musuqmaasuqa
Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka war bixiyey kiisas musuq maasuq ah oo markii hore ka bilowday Waasarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, kadibna laguha lagashay Wasaarado iyo Haya’do kale oo Dowladeed, Ganacsato, sharkado,sigaar ah loo leeyahay taasi oo dhawaan xukuno kala duwan ku riday Maxkamada Gobalka Banaadir masuuliyin ka tirsan Dowlada Soomaaliya.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inta baaritaanku socday infatashaad lagu somayey xarumo kala duwan, oo ay ku jiraan, Waasarada Caafimaadka, Wasaarada Maaliyada, Waasarada kaluumaysiga, iyo Waasarada Warfaafinta.
Sidoo kale xafiiska Xisaabiyaha Guud, Hay’ ado gaar loo leeyahay, Shirkaddo dhismo iyo Xarumo Ganacsi, oo laga heli karay xogta uu daba joogay Xafiiska Xeer ilaaliyha Guud ee Qaranka, si looga gungaaro ujoodooyinka iyo natijada baarista.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Sulaymaan ayaa intaas ka dib digniin u diray, Wasiirada Dowlada, Agaasimayaasha Guud ee Waasaradaha, Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyada, Bangiyada Ganacsiga, Xawaaladaha iyo Hay’adaha kale Ganacsiga ee ka diiwaan gasahan Bankiga dhexe ee Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay qaadan doonaan dayacaad kasta oo timaada Xafiiska ay masuulka ka yihiin, si waafaqsan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed iyo Xeerka Maaliyada.
“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa Agaasinka maamulka iyo maaliyadda iyo xisaabiyayaasha hay’adaha Dawladda ku daneesi Xafiis Dowladeed, raadin faa’iidooyin khaldan iyo in la garab maro xeerarka iyo habraacyada maaliyadeed ee Dawladda Soomaaliya, waa in masuul kasta oo Dawladeed uu ka fogaada in uu saxiixo wax uusan hubin ama uusan ogayn in uu sax yahay, haddii Wasiir, Wasiiru dawle, Wasiir ku-xigeen iyo agaasime Guud ama qof kale oo ka sareeya uu ku siiyo amar khilaafsan habraacyada maaliyeed waa in uu ka dalbadaa masuulkaas qoraal rasmi ah oo uu ku saxiixanyahay, si uu masuuliyadda u qaato masuulkaas, waana in uu ku wargaliyaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan qodobka 18 ee Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed khaladkaas” ayuu yiri Xeer-ilaaliye Sulaymaan.
Ugu dambayn Hadalka Xeer ilaaliyaha ayaa ku soo beegmaya kadib markii dhawaan la maxkamadeeyey masuuliyiin ka tirsan dawlada Soomaliya ku waasi oo lagu haystay in ay lun sadeen Xoolo Dadwayne, kadibna Xunkuno kala duwana ay ku riday makamada Gobalka Banaadir