Xanuun aan la aqoon oo ka dilaacay magaalada laascaanood ee maamulka Puntland

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xanuun aan la garan ilaa hada uu ka dilaacay qaybo kamid ah gobolkaasi Sool.

Deegaanka Saax dheer oo dhaca Koonfurta gobolka Sool ayaa la sheegay in labo qof ay u dhinteen cudurkaasi, iyadoona ku dhawaad 70 kale hadd uu xanuunkaas soo ritay oo ay u il daran yihiin.

Qofka ayaa waxa mar kaliya ku dhacaya matag afka ah iyo shuban wada socda oo ay u sii dheer tahay Qandho saa’id ah taas oo badi dadku sheegeen inay wer wer iyo cabsi huwan tahay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa waxa ay sheegeen inay dawooyinku aad u yar yihiin islamarkaana saacado gudaheed dad badan uu soo ritay xanuunkani oo sii faafaya marba marka kasii dambaysa.

Ilaa hada lama ogaan cudurkan waxa uu yahay, waxaana la filayaa in dhakhaatiir ay ka baxaan magaalada Laascaanood si ay u soo ogaadaan xanuunkan waxa uu yahay.

Deegaankan Saax dheer ee gobolka Sool ayaa waxaa ka taagan xaalad aad u daran, waxaana ilaa iminka loo yaboohayaa shacabka sidii ay ku heli lahaayeen adeegyo caafimaad oo dhamaystiran.