XAAF oo Qaaday Tallaabo yaab leh iyo Gudi doorasho oo uu magaacaabay !
Madaxweyanaha Wakhtigiisu dhamaaday ee Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa soo saaray warqad uu ku magacaabay gudi uu sheegay in ay ka shaqaynayaan doorashada Maamulka Galmudug, Gudigga ayaa ka kooban 11 Xubnood waxaan la faray in ay dhamaantood soo xaroodaan.
Waxayna u muuqataa mid uu ku dhabar jebinayo Dhismaha Maamulka Galmudug oo wakhti dheer lasoo geliyey, Hadana maraya Heer gabgabo ah.
Isla warqadaan ayaa lagu amray guddiga in ay 12ka bishaan doortaan gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen uu gudiggu yeesho, Khilaafka u dhaxeeyay Madaxweynaha xilkiisu sii dhamaanayo ee Galmudug iyo Madaxda DFS ayaa maalmahan soo shaacbaxay, waxaana jiray heshiis hore oo ay gaareen labada dhinac.
Galmudug ayay tusaalle u noqotay Khilaaf joogto ah, Heshiisyo iyo Ballan ka bax ay sameeyaan Xubnaha Hogaanka u ah, iyagoo fiirinaya dano u gaar ah.
.