Wasiirkii hore ee qorshaynta Dowada Soomaliya Caynte oo sheegay in Ethiopia ay wajahayso xalaad burbur
Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in Ethiopia ay hadda dhadhamineyso dhib la mid ah kii ay muddo la dooneysay Soomaaliya ee federaalka.
Ethiopia ayaa waxaa hadda ka taagan khilaaf laga cabsi qabo inuu sababo in dalka kala go’o, kaasi oo u dhaxeeya qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe ee federaalka.
“Hab u muuqda mid is burinaya, Ethipia oo sanado badan u ololeyneysa, welibana xitaa dhiir-gelineysay hanaan federal oo dabacsan oo ka hirgala Soomaaliya, waxay hadda dhadhamineysaa dawadeeda,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caynta oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.
Dowalada Ethiopia ayaa wajahaysa xalaad adag kadib Markii uu shaqayn wayey dalabka reysal wasaare Abii Axmed kaasi oo doonaya in doorasha Dalkaasi dib u dhigo.
Balse maamulka Gobalka Tigrayda ayaa diidan dalabka Abii Axmed ee u muuqda mudo kordhin.
Maamulka Xabishada oo ka soo horjeeday mudo hormarka Dalkeena Soomaliya, sidoo kalana jamhadu ku buuray Dowladii Militariga ayaa hada wajahaya caadis kaga imanaya Tigrayda.
Sidoo kale Jerenaar Gabre oo katisan sirdoonka xabashida ayaa mudo faragalin ku haayey Dowaladii hore Xasan Shiikh Maxamuud.
Warar hoose oo Idaacada Sareeyey ay heshay ayaa waxaa sheegyan in Gabare uu xafiis kaga Furnaa Madaxtooyada Soomaliya, asagoo la socday dhaqdhaqaa Soomaaliya.
Ugu damabayn Madaxwaynha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaaho ayaa ka cayriyey Xarunta madaxtooyada Sirdoonkii Xabishada ee Gabre