Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS oo shir ka furaya magaalada Garoowe

Shirkaan ayaa la filayaa in Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa uu ka furo Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal wuxuunaa shirkaan ku saabsan Arrimaha Shaqa Abuurka Dhalinyarada .

Shirkaan ayaa  waxaa ka qeyb geli doona dhamaan Wasiirada Shaqada ee Dowlad Goboleedyada dalka ka jira,waxaana Wasiir sadiiq Warfaaf oo sheegay in muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca.

Shirkaan ayaa  socon doona mudo Saddex Cisho ah waxaana sigaar ah diirada loogu saari doonaa horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada