Wasiirka Dastuurka oo sheegay in Shirka Dhuusamareeb lagu go’aamin doono nooca doorasho ee Dalka
Sihaaya Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac ahna Godoomiyaha Gudiga Farsamada kasoo talabixinta hananka Doorashooyinka ayaa Shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa waxa uu sheegay in Madaxda ka qaybgalaysa Shirka Dhuusamareeb Sadex ay maalmaha soo socda ay go’aano ka gaari doonaan, isla meel dhigi doonan hanaan doorasho oo suurta gal ah sidii ay wadanka oga dhici lahayd.
Siihaye Saalax ayaa sheegay in ay la kulmeen Madaxwaynaha Jamuuriyada Faderaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, isla markaana oga war bixiyeen shaqooyiinka Gudiga Farsamada uu soo qabtay, asagoo sheegay in tala iyo xog soo aruunrin ay ku jireen mudadii ay ku hawl jireen shaqadooda meel fiicana ay u marayso.
Shirkaan Jaraa’iid ee Siihaya wasiirka tastuurka ayaa ku beegmaya kadib markii Gudiga Farsamada ay la kulmeen Madaxwayne Farmaajo, Madaxwaynaha Maamulka koofur galabeed Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen, Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare, Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Kaariye qoor qoor iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar maxmuud Maxmed cumar filish.
Hasayeeshee kulankaan ayaa waxaa ka qayb galin xubnihii matalayey Maamulada Jubaalaand iyo Putlaand, iyadoo sidoo kale ay ka maqnaayeen labadii Hogaamiyey ee matalaayey Maamuladaasi.
Balse Siihay Wasiirka Batroolka ayaa sheegay in maalmaha soo socda war laga soo saari doono shirka u dhaxeeya Maamul Gobaleedyada iyo Dowlada dhexe aydoo halkaasi lagu gurfayn doono nooca Doorasho ee dalka ka dhacaysa.
sidoo kale Madaxwaynaha Galmug Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo xalay saqdhexe Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada dhuusa mareeb ayaa sheegay in maanta uu furmidoono wajiga kobaab ee Shirka Dhuusamareeb, asagoo ugu baqay dhigiisa Maamul Gobaleedyada Jubalaand iyo Putlaand ay kasoo qayb galaan shirkaani.