Wasiirka amniga oo war kasoo saaray dibad-baxyadii Muqdisho, digniin culusna diray

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo ka hadlay banaanbaxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay soo abaabuleen dad wax magarato ah, isagoo tilmaamay in lagu wax-yeeleynayey amniga.

Wasiirka ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado Banaan baxayaadaan oo aan ahayn kuwo horey oga dhacay Caasimada , islamarkaana ay soo abaabuleen dad wax magarata ah, kuwaasi oo aan ka shaqaynayn xasiloonida iyo hormarka Dalka.

Waasir Xudamay oo sii wata hadalka ayaa tilmaay in Ciidanka oo ilaalinaya nabad galyada dalka, laga dul keeno dad laga soo abaabulay goobo kale, kuwaasi oo wata qoryo, islamarkana ay tahay mid ku cusub banaanbaxyadii ka dhici jiray Caasiamda.

“Dad wax magarad ah oo jidadka lasoo tubay iyagoo qoryo wata, taas macneheedu waa in ammaankii lagu soo duulay, in colaad la abuuray, in ciidanka ammaanka shaqadiisii la dhantaalay, in bulshadii dhibaato loo geystay, waxii rabshado ahaay ee dhacay waan ka tacsiyadeyneynaa,” ayuu yiri.

Dhinaca kale Xubnaha Mucaaradka ayaa sheegay in ay siiwadi doonaan kicinta bulshada, islamarkana ay taageerayaan isku soo baxayada noocaan oo kale, ee qoryaha lagu soo qaadanay,taasi oo dalka u horseedi karta in uu galo dagaal.

Xubanaha Mucaaradka oo la fahansanyahay in ay ka dambeeyan xasilooni daraadada Caasamida, islamarkaana ay ku taageerayaan Kenya, maamada ay Dowladada Soomalaiya gabi ahaanba xiriirkii diblomaasiyeed ay u jartay dhigeeda Dowladada Kenya

Dowladada Soomaaliya ayaa horey ugu ewdaysay in Kenya ay faragalin ku hayso Arimaha Soomaaliya, taasi oo ay u adeegsanayso Xubno ka amarqaata, islamarkana ay lacago ku siiso sidii ay iskaga horkeeni lahaayeen Dowladada iyo shacabka, ayagoo dhagaha shacabka ku shubaya hadalo laab lakac ah.