Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo wax ka beddel ku sameysay Arrimaha Xajka

kulan Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ay la qaadatay masuuliyiin ka socday shirkadaha u adeega Xujeyda Somaaliyeed ee sanadkaan ku guuleystay inay xujeyda qaadaan.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay sida ugu waangsan oo loogu adeegi lahaa Xujeyda Somaaliyeed,waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiiradaha Wasaaradaha Awqafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada.

Wasiir kuxigeenka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cismaan Aadan dhuubow ayaa sheegay in sanbadkaan 58 shirkadood ay u tartameen daabulida xujeyda Soomaaliyeed,hayeeshee ay ku guuleysteen 11 shirkadood oo Wasaaradu la Shqeyn doonto.

Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay sanadkaan sameysay wax ka beddel waxyaabihii ay ka caban jireen dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah,isla markaana uu rajeynayo in lagu guuleysan doono.

Wasaaradda ayaa diyaar garowgii ugu dambeyey ugu jirta u adeegidda 11500 oo Xaaji sanadkan,waxayna balan qaaday in ay kormeeri doonta lana xisaabtami doonta Shirkadaha u adeega Xujeyda Soomaliyeed ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.