Warbixn ka hadalaysaa kufiga iyo tacadiyada ay la kulmaan Hablaha Soomaaliyeed,iyo dhacdii Xamadi Maxamed Faarax.
Muddooyinkii u danbeeyey deegaammada Soomaalida meelo badan ayaa laga soo sheegayey dhacdooyin kufsi ah oo ka dhacay.
Inta badan kiisaskaasi waxaa lagu dhammeeyaa hab odaynimo ah oo aysan maxkamadi xukumin iyadoo weliba aan lala tashan hoooyinkii dhalay hablaha tacaddiyada loo geysta taasi oo keentay in falalka kufsiga la sahashado.
Dhibaatooyinkan ayaa waxay hor seedeen falcelino kala duwan. Dadka u oleleeya xuquuqda dumarka ayaa aamminsan in maslaxada odayaaasha ay sii hurinayaan dhibaatooyinka kufsiga ee ka dhaca gayiga Soomaalida.
Dhacdo argagax leh ayaa shalay ka dhacday magaalada Muqdisho kadib markii gabar kufsi loo geystay laga soo tuuray dabaq ku yaalla dagmada Waabari.
Gabadhaan yar waxaa magaceeda lagu sheegay Xamdi Maxamed Faarax
Gabadhaan waxey ka mid aheyd ardaydii sanadkaan ka qalin-jabiyay dugsiga sare
Qaar ka mid ah ehelada gabadhaan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadka geystay falkaan foosha xun, waxeyna warbaahinta u sheegeen in la xaqiijiyay kufsiga loo geystay gabadha yar ka hor inta aan dabaqa laga soo tuurin.
Falalka kufsiga ah ee loo geysanayo gabdhaha da’da yar ayaa kusoo badanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, dhacdadaan ayaana ah midda ugu dambeysa ee la hadal haayo iyada oo falalkan guracan ee ka baxsan diinta iyo dhaqanka suuban ay noqotay wax daba dheeraata marka danbana lagu xaliyo si hoose oo kuwii wax kufsaday iyo gabadha cidooda ay ku dhameeyaan qaab qabiil taas oo sahleysa in uu soo laalaabto kufsiga