Maqaal:Deni masii Hogaamin karaa Puntland?

10-bilood ayuu xilka hayaa madaxweynaha dowlad goboleedka puntland saciid c/llaahi deni kaas oo 08-bishii janaayo ee sanadkan lagu doortay magaalada garoowe ee xarunta gobolka nugaal.

Deni oo ganacsade ah ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray waxaana uu mar soo noqday wasiirkii qorsheynta ee soomaaliya.

Ka dib 8-dii janaayo deni waxa uu dhexda ka galay jawi siyaasadeed oo ka duwan kuwii uu horey ugu soo shaqeeyay.

Gundhig bilow u ahaa khilaaf ayaa dhowr bilood ka dib soo kala dhexgalay deni iyo karaash,waxaana uu ka bilowday isbedelo uu sameeyay madaxweyne ku xigeenka puntland intii uu dalka ka maqnaa madaxweynaha puntland.

Halkaas Kuma uusan ekaan khilaafka labada masuul ee ugu sareeya puntland,waxana marka bishii agoosto uu axmed karaash ka biyo guddiga dooroshooyinka puntland oo uu magacaabay saciid deni.

Khilaafkan ma aheyn mid u gaar ah puntland balse waxa uu ahaa heshiis si qarsoodi ah uga dhexeeyay madaxweynaha puntland iyo ku xigeenkiisa.

Heshiiskaas waxa uu ku saabsanaa in madaxweyne ku xigeenka looga danbeeyo xubnaha ka imaanaya sool,sanaag iyo cayn balse uu deni hareermay.

Isla 18-kii bishii agoosto ayuu axmed karaash so saaray warqad sharci darro ugu tilmaamay guddiga uu magacaabay saciid deni.

Puntland waxa ay leedahay kaabayaal dhaqaale oo muhiim u ah shacabka deegnaadaas.

Deni oo aad xariif ugu ah xagga ganacsiga ayaa dekeda boosaaso gacanta u galiyay shirkada dpworld ee dalka imaaraatka oo uu saaxiib dhow la yahay.

2-jeer ayuu deni tagay dalka itoobiya isaga oo aan weli imaan magaalada caasimadda muqdisho oo ah xarunta dowlada faderaalka ee looga taliyo maamul goboleedyada ,tani waxa ay shaki badan galisay siyaasadda madaxweynaha maamul goboleedka puntland.

Durba walaac badan ayay waxgaradka puntland ka muujiyaan siyaasadda hogaamin ee uu la yimid saciid deni,digniin iyo in aysan u dulqaadaneyn in imaaraatku ka macaasho dekeda magaalada boosaaso ayay u direen madaxweynaha talada ku aamineen.

Ka dib shirkii wadatashiga ee soomaaliya deni waxa uu shegay in aysan puntland u qalmin ka qeybgalka shirka.

Maxa ay tahay waxyaabaha gaarka ah ee ay puntland kaga duwan tahay dowlad goboleedyada.

Khilaafka gudaha ma uusan xalin deni taas oo ay tahay waxyaabaha looga baahan yahay deni,balse waxa uu ku mashquulay siyaasaddo ka baxsan puntland sida dhalaaceyn joogto ah oo dowlad faderaalka ku aadan.

Bilowgii bishan waxaa soo baxay warar sheegaya in madaxweynaha puntland uu horboodayo kalsooni kala noqosho ama motion xilka looga qaadayo gudoomiyaha golaha wakiilada puntland c/xakiin maxamed Axmed,kaas oo aad ugu dhow dowlada faderaalka.

deni ma yahay mid isku sii hayn kara shacabka nabada jecel ee puntland iyo dowlada faderaalka?.