Warbixin:baddeena marnaba ma qaadan karto kenya.
Iyadoo dhawaan maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ ay ku dhawaaqday in muddo 8-bilood ah ay dib u dhigtay dhageysiga kiiska dacwada ee u dhexeeya soomaaliya iyo kenya taas oo ku aadan sheegasahada been abuurka ah ee ay kenya ku andacooneyso lahaanshaha qeyb ka mida badda soomaaliya.
Wargeysyada ugu waa weyn dalka kenya ayaa siyaabo kala duwan wax uga qoray go’anka mar kale ka soo baxay maxkamadda icj ee ku aadan in dacwada u dhexeysa soomaaliya iyo kenya la dhageysan bisha juun ee sanadka 2020,guud ahaan wargeysyada ayaa cinwaan uga dhigay sheekooyinkooda “fursad kale oo kenya ay kaga guuleysan karto soomaaliya”.
Abaabul badan ayay bilaabeen warbaahinta kenya taas oo aysan horey u qarsooneyn garab istaagga dalkooda,hase ahaatee waxay aad u buun-buuniyeen go’aanka maxkamadda oo ay kenya u aragtay mid iyada u xaglinaya.
Bisha juun ee sanadka 2020 soomaaliya waxa ay gali doontaa marxalad kala guur ah,waxaana kenya ay u aragtaa fursadda keliya ay madaxda soomaalida kaga mashquuli karaan kiiska horyaalla maxkamadda.
Mar kaste kenya waxa ay baadigoobeysay fursad noocan oo kale balse kenya kuma baraarugsana in 7-jirka soomaaliga ah loo sheego in xeebta ugu dheer qaaradda afrika uu leeyahay.
Damaca kenya ee ku dhisan in ay dacwada kaga guuleysto soomaaliya waa mid aan rajo badan laga qabin,yeelkadeede madaxda kenyanku waxa ay fursad u arkaan in madaxda talada heysa ay waqtigaas ku mashquuli doonaan ololaha doorashada,waana caqli xummo ay la socoto aragti gaaban.
Kalsooni daradda heysata kenya, keliya kuma koobna kiiska dacwadda ee ICJ horyaalla,waxaana in ka badan 20-sharciyaqaan oo kenya u dhashay ay maxkamadda sare ee dalkaas u gudbiyeen codsi qoraal ah oo ay ku codsanayaan in gabi ahaan ay kenya ka baxdo kiiska.
Walow go’aanka laga sugayo maxkmadda icj,haddana waxa ay dad badani oo soomaaliyeed u arkaan in dib u dhigista kiiskan uu yahay mid muujinaya tabar darrida kenya oo markii hore si sharci darro ah ugu soo xadgudubtay badda soomaaliya.
Dhabo kasta oo ay kenya u mari kartay xumeynta xiriirka kala dhexeeya soomaaliya waa ay sameysay sida:
1-in ay ku xadgudbeen madaxbanaanida iyo jirintaanka qaranimada soomaaliyeed
2-in ay si baalmarsan sharciga ay ciidamadoodu u soo galeen soomaaliya
3-in ay waxyeelo u geysteen shacabka soomaaliyeed (naf iyo maal-ba)
4-in ay jartay xiriirkii diploomaasiyadeed ee kala dhexeeyay soomaaliya iyo kuwo kale ayay kenya si aan ganbad laheyn u sameysay.
Goobtan ay leedahay soomaaliya ee ay kenya sheeganeyso waxaa ku jira khayraad badan oo dabiici ah sida saliid cayriin ah,gaaska naqaska iyo macdan kale.
Sida ay sheegeen Aqoonyahanada soomaaliyeed Imaaraatka iyo sacuudiga ayaa aad ugu ololeynaya in kenya ay ku guuleysto kiiska si ay u helaan khayraadka faraha badan ee ku jira goobtan ay muranka galisay kenya.
In kastoo soomaaliya ay ka soo kabaneyso colaado,haddana waxaa xusid mudan in dalkan ay leeyihiin dad jecel nabadda balse aad u yaqaana sida loola dagaalamo kuwo ka soo gudba xadka saaxiibtinimo.
Xasiloonida gobolka geeska afrika oo ay wada degan yihiin qowmiyado kale duwan,waxa ay soomaaliya ku leedahay door muuqda,waxaana arrin kasta oo ku saabsan gobolkan ay ula imaan jireen soomaaliya sida taariikhyadanadu ay sheegeen.
Gundhigga hadalkeyga waxa uu ku qotomaa soomaaliya soomaali baa leh