Warbixin:-Musharixiin ka soo cararay magaalada Kismaayo Iyo Axmed madoobe oo lagu eedeey dil ka dhacay Juballand
Sida uu xaqa u siinayo dastuurka dowlad goboleedka jubaland iyo kan fadeeraalka muwaadin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu isku sharixi karo qabshada xil kasta oo laga qabayo deegaankiisa ama dalkiisa.
Jubadda hoose/jubadda dhxe iyo gedo waa 3-da gobo ee la isku yiraahdo dowlad goboleedka jubaland waxana in ku dhawaad 10-sanno dadka jubaland ay la daala dhacayeen cadaadis iyo caburin badan oo ka imaanysay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee axmed maxamed islaam madoobe.
Dhibaatooyinka ay dadka jubaland la kulmaan keliya ma ahan cadaadis balse waxaa jira faragelin rasmi ah oo ka timaada maleeshiyaad amar qaata axmed madoobe.
In ka badan 10-musharax ayaa sanadkan isu soo sharaxay qabashada xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka jubaland, hase ahaate waxa ay qaarkood wajaheen cadaadisyo kaga imaanayay madaxweynaha waqtigiisu uu dhamaaday ee axmed madoobe
Musharaxiintaas waxaa ka mid musharax maxamed cali yarrow kaas oo la isku dayay in la qaarajiyo balse naftiisa kala cararay magaalada kismaayo.
Xilli habeen ah ayuu maamulka axmed madoobe qorsheeyay in ay hotel uu magaalada kismaayo ka degan yahay musharax yarrow kala baxaan hase ahaatee uu musharaxu ka baxsaday kismaayo una cararay magaalada Nairobi ee dalka kenya
Walaaca ugu badan ee jubaland ma ahan dooroshoyinka balse waxaa muuqata isku dayo lagu qaarajinayo qaar ka mida musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka jubaland.
7-da sanno oo uu xilka hayo madaxweynaha waqtigiisu dhmaaday ee jubaland axmed madoobe weli waxa uu u hanqal taagayaa in mar kale loo doorto hogaamiyaha dowlad goboleedka jubland tii oo ay jirto caburin iyo cadaadisyo ay wajahayaan shacabka ku nool deegaanada jubaland.
15-bishii may sanadkii 2013, ayay 500 oo ergo ah isugu yimaadeen magaalo madaxda Jubada Hoose ee
Kismaayo, iyagoo u doortay Axmed Madoobe inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.
Laga soo bilaabo xilligaas dad badan ayaa sugayay in axmed madoobe uu la imaan doono siyaasad fur-furan hase ahaatee waxa ay noqotay in dhowr sano ka dib ay shacabka jubaland wajahayaan dhibaatooyin badan.
Weli waxaa gacanta jubaland ka maqan gobolka jubadda dhexe oo ay maamulaan al-shabaab kaas oo ka mid gobolada ugu wax soo saarka badan dalka.
Gobolka gedo taageero badan kama hesyto axmed madoob iyado dhowr jeerna ay shacabka hobolka gedo ka so hor jeesteen maamulka axmed madoobe.
15-kii bishii agoosto sanadkii 2015-kii ayay mar kale shacabka jubaland fursad siiyeen axmed madoobe waxaana si diiiran loogu hambalyeeyay xilka uu ku guuleystay.
Xildhibaan c,rashiid maxamed xidig oo xilligaas ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha soomaaliya kana mid aha guddi korjoogto ka ahaa doorashadii dhacday 15-kii bishii agoosto sanadkii 2015- ayaa sheegay in dowlada faderaalka ay ku qanacsan tahay doorashada dhacday…………
Hadda xildhibaan c,rashhid xidig waxa uu ka mid yahay musharxiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee jubaland isagoo dhowr jeer walaac ka muujiyay xaalada uu axmed madoobe u wajahayo dooroshooyinka.
musharax maxamed cali yarrow oo ka mida musharxiinta jubaland waxa uu xaalad ah ku sifeeyay amniga musharaxiinta isagoo ugu baaqay in taxadr muujiyaan musharxiinta ku sugan kismaayo
siyaasiyiinta iyo waxgaradka jubaland ayaa weli ku baaqay in la qabto doorosho xor iyo xalaal.
Musharaxiinta isbadel doonka ayaa iyaguna dhowr jeer codsaday in doorasho cadaalad ay ka dhacdo jubaland
Siyaasiyinta falanqeeya siyaasadda jubaland ayaa sheegay in kalsoonidii uu axmed madoobe ka qabay doorashada aysan gaarsiisneyn in ka badan 20% taas oo macquul ay tahay in axmed madoobe uu ka tanaasulo tartanka loogu jiro qabashada xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka jubaland\
SAREEYE FM 87.5