Wararkii ugu dambeyey Shirka wada tashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo galay maalintii labaad

Shirka wada tashiga madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii labaad.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka.

Inta badan waxaa laga wada doodi doonaan heeshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb, kaas oo aysan qeyb ka aheyn madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Warar hose oo Idaacada Sareeye heshay, ayaa waxay sheegayaan in hogamiyaasha Jubaaland iyo Putlaand ay diidan yihiin heshiiskii shirkii Dhuusamareeb3, kaasi oo si wada jir ah ay soo saareen Madaxdii ka qaybgashay Shirkaasi.

Sidoo kale waxay warar kale oo aan ka helnay ilo wareedyo kala duwan noo sheegeen in Axmed Madoobe iyo Siciid Dani ay rabaan in ay saamayn ku yeshaan doorashada soo socota, ayagoo ku doodaya in doorasha ay noqo nidaamkii 2016kii ,kaasi oo ay Maamul Gobaleed ay soo Xulanayeen Madaxda ku matalaysa Baarlamanka.

Ugu dambayn shiraan ayaa laga warsugaa waxa ay isku afgartaan madaxda ka qaybgalaysa shirka oo galay maalintii labaad, kaasi oo si wayn dhamaan shacabka Soomaliyeed ay il gaar ah ugu hayaan gabagabada shirkaasi, aydoo arimaha lagu gorfayn doono ay ugu horeyso doorshada dalka ee 2020/201.