Wararkii ugu dambeeyay ee Doorashada Galmudug, iyo Caqabadaha ilaa iyo haatan laga gudbi la,yahay.
Ra`iisulwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa kusugan magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta gobalka Galguduud, si meelmar looga dhigo arrimaha dhismaha Galmudug oo ay maamulkiisa ku qaadatay ku dhawad 7 bilood, waxaana kulamo kala gedisan uu la yeeshay qeybaha muhiimka ah ee dhismaha Galmudug mideysan.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa sidii kahor bisha March loo dhisi lahaa Galmudug ay isku raacsan yihiin dadka deegaanka, waxaana caqabadaha ugu wa weyn ka mid ah doonista Ahlu Suna Waljameeca oo ah wali mid taagan.
Raysalwasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda Ahlu Suna, gaar ahaana Sheekh Shaakir Maxamed oo uu kala hadlay in la dadajiyo hanaanka dhismaha, gaar ahaana caqabada taagan ayaa ah liiska Xildhibaanada garabka Ahlu Suna oo ah kuwa aan la marin nidaamkii horey loogu heshiiyey.
Gudoomiyaha guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo dhismaha Galmudug ayaa doonaya in Xildhibaanada ay magacowday Ahlu Suna ay marayaan sharuudaha dhammaan xildhibaanada kale marayaan, laakiin taasi wey diiday Ahlu Suna.
Diidmada Ahlu Suna iyo arrimaha taagan marka la eego, waxaa muuqata in aan horumar wanaagsan laga gaarin arrinta Galmudug oo ay kor ka eegayaan wakiilada caalamiga ah, waxaana haddii aan ka hor April la dhisin ay ka dhigan tahay dibu dhac weyn.