Walaac Xooga ayaa laga muujiyay Xaalada Amni Ee Magaalada Kismaayo

MUQDISHO-SAREEYE FM

Waxaa isa soo taraya walaaca ku saabsan xaaladda amni ee magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose kadib markii ay kordheyn dilalka dadka ka soo horjeeda dowladda Jubbaland.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa sheegay in ay soo wajahday xaalad adag oo dhanka amaanka ah islamarkaana aysan ku sii sugnaan karin Kismaayo ilaa ay ka imaaneyso xaalada ay dadka ku cabiraan aragtidooda islamarkaana la helo xoriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada doorashada.

Sidoo kale odayaashaan ayaa  sheegay in aysan sahlaneen bixitaanka Odayaasha oo ay Jubbaland aaminsan tahay in ay Muqdisho uga gacan haatineyso Dowladda Soomaaliya balse ay sameyn doonaan wax kasta oo ay kaga soo bixi karaan Kismaayo.

Xalay ayey ahad markii askari ka tirsan Boolisska Jubalan lagu toogtay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose