Wado in mudo ah xirnayd oo dib loo furay

Waxaa shalay la bilaabay qorshihii u dambeeyey oo dib loogu furayo wadada ka baxda isgoyska KM-4 ee aada dhanka madaxtooya dii hore ee Cabdiqaasin ama isgoyska Tarabuunka.

Wadadaan ayaa dib loo furay kidib markii Safarada Qadar ee Soomaaliya laga raray, oo sanadihii dambe ay u xirnayd wadadaasi.

Ka hor intii safaaradda Qatar aysan soo degin dhismahaas waxaa horay u daganeyd safaaradda Turkiga oo markii dambe ka guurtay. Kadib markii ay guurtay dhisme ku yaala Dagmada Cabdicasiis ee Gobalka Banaadir.

Xirnaashaha wadadaas waxay abuurtay ciriiriga soo wajahay sanadihii lasoo dhaafay gaadiidka maraya isgoysyada ku teedsan, gaar ahaan KM-4 iyo Taleex.

Furitaanka wadadaan ayaa muhiim ah bulshada iyo Gaadiidka aydoo markii hore ay dhib ku qabeen shacabka iyo Darawaliinta, waxayna u muuqta in cariiriga uu ka yaraan Doono isgoyska Taleex.

Furintaanka wadadan ayaa imaanaya kadib markii Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu dhawaan balan qaaday in wadooyinka laga qaadi doono dhagaanta horey loogu jaray, islamarkaana ay bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Gaadiidka ay muhiim u tahay, madama ay caqabad ku tahay bulshada Xirnaasha qaar kamid ah wadooyinka laf dhabarta u ah Caasimada