wadanka Cuba oo cunaqabateyn lagu soo rogay
Mareykanka ayaa balaariyay cunaqabateynta saaran shirkadaha ganacsi ee laga leeyahay wadanka Cuba.
Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa arintaan u aaneysa in shirkadahan qaarkood ay leeyihiin xukuumada Milatariga ee heysa talada Cuba.
Shirkadahaan ayaa waxaa ka mid ah hoteelada Palacio Cueto oo ku yaal magaalada Old Havana iyo goobaha kale ee dalxiiska oo iyagana dhaca waqooyiga gobolka Ciego de Avila.
Mareykanka ayaa wuxuu tilmaamay in shirkadahan ay u shaqeeyaan wasaarada amniga Cuba.
Waaxda arimaha dibada Mareykanka ayaa intaa raacisay in laamaha Milatariga iyo kuwa sirdoonka ay Taageeraan.
Warsaxaafadeedka dowlada Mareykanka ayaa dhanka kale lagu eedeeyay ciidanka amniga Cuba in ay galeen tacadi bani aadanimo oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha.
Mareykanka ayaa ugu danbeyn ku eedeeyay Cuba in ay taageerto dowlada madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro.