Waa maxay sababta iyo waxa uu salka ku hayo dagaalka Gobalka Gedo

Idaacada Sareeye ayaa heshay xog la xiriirta dagaalka gobalka Gedo gaar ahaan Ceelwaaq iyo balad-xaawo ee xuduud beeneedka Soomaaliya & Kenya.

Sareeye Fm, waxa ay ogaatay in magaalada nayroobi ay ku sugnaayeen khubaro caalami ah oo u dhashay Mareykanka kuwaas oo talo iyo istaraatiijiyad la xiriirta arrimaha kiiska badda kala shaqeynayay xukuumada Uhurru Kenyaata.

khubarada mareykanka ayaa u sheegay kenya in aysan raja uga muuqan kiiska Badda Soomaaliya ee ay muranka gelisay haddii loo fariisto xukunka maxkamada, laakiin ay jirto arrimo baajin kara Xukunka Maxkamadda taas oo rajo galin karta kenyaatiga, taas oo ah in waqti dheeraad ah oo cusub maxkamada ay ku darto dhageysiga kiiska.

Taasi ma imaan karto xilligan balse ay u furantahay oo kaliya Kenya in ay furaan dagaalo iyo xumeynta xiriirka labada dal ee Kenya & Soomaaliya si hakad uu ugu yimaado dhageysiga kiiska horyaalla maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.

Dagaalkan ayaa ah carqaladeyn lagu wado kiiska badda ee ay Soomaaliya leedahay si maxkamada u baajiso qiilna ugu dhigtaan Kenyataiga dagaal ayaa inoo dhaxeeya inta aan ka heshiineyno oo labada dal xiriirkooda ka wanaagsanaanayo waa in dib loo dhigaa kiiskan. taasina waa halka wado ee u furan kenya kuna dooneyso muddo in lagu daro kiiska dacwada badda.

khubarada ayaa madaxtooyada Kenya looga arrimiyo ku siisay talooyinka iyo istaraatiijiyadooda cusub lacag gaareysa 50 milyan oo doolar waxa ayna ku taliyeen in waji cusub oo guluf colaad ah lagu furo Soomaaliya.

Laakiin dowlada Soomalaiya oo si taxadar leh ula socota ayaa ka feejigan arrinkaasi oo ku howlan in dagaalka gobalka Gedo loo wajaho istaraatiijiyad ka duwan midka ay Kenya dooneyso sida uu noo sheegan sarkaal ka tirsan diblumaasiyiinta Soomaaliya ee DFS ka caawiya arrimaha caalamiga ah gaar ahaan xasaradaha geeska afrika.