Uhuru Kenyatta iyo munica juma oo ku kala qeybsamay sida ay kenya u wajaheyso kiiska dacwada ee yaalla maxkamadda ICJ

Cabsi  iyo argagax badan ayaa soo foodsaaray kenya ka dib markii ay soo dhowaatay kiis dacwadeedka ay isniinta qaadi doonto maxkamadda cadaalada aduunka ee icj.

Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka munica juma ayaa ku kala qeybsamay sida ay kenya u wajaheyso kiiska dacwada ee yaalla maxkamadda icj.

Monica juma ayaa madaxweynaha kenya uhuru Kenyatta u sheegtay in aysan suurta gal aheyn guul ay ka gaaraan soomaaliya taas badelkaadana ay raadiyaan qorshe kale oo wada hadal loola yeesho soomaaliya hase ahaate madaxweynaha kenya uhuru Kenyatta ayaa ka biyo diiday hadalkaas waxaana uu su’aalo ka weydiiyay monica juma halka ay mareen lacagaha faraha badan ee ay kenya ku bixisay qareenada difaacaya.

Balse wasiirka arrimaha dibadda kenya monica juma ayaa u sheegtay madaxweyne Kenyatta in aysan dadaal ku yareyn hase ahaatee aysan taageero dhaqaalo ka helin hay’ada dhaqaalaha kenya.

Dhinaca kale Musuq-maasuq baahsan ayaa ka dhex bilowday hay’adaha cadaalada kenya ka dib markii la musuqmaasuqay 2.5m oo doolar taas oo loogu talo galay in kenya ay ku wajahdo kiiska dacwada ay muranka galisay badda soomaaliya.

Warbaahinta kenya aad uma aysan baahin warkan maadaama uu dhabar jab ku yahay dalkooda waxaana ay bilaabeen in ay gabi ahaan ka gaabsadaan arrintan.

Kenya waxa uu dulmigan ay ku soo qaaday soomaaliya ku noqday mid sharaf dhac u keenay maqaamkeeda caalamka waxaana kenya ay ka cabsi qabta in uu xumaado xiriirkeeda dalalka caalamka gaar ahaan kan midowga afrika iyo urur goboleedka igad.

Soomaaliya weli go’aankeeda waa halkiisa kaas oo ah in aysan wax wada hadal ka gali doonin wax ku saabsan badda dalkeena ee ay muranka galisay kenya.

Waxaa magaalada Addis Ababa ka dhacay kulan ay yeesheen Golaha Amaanka ee Midowga Afrika kaas oo looga hadlay  hindise ay Kenya wadatey oo ku saabsan in dib loo loo dhigo kiis dacwadda.

Somalia oo uu shirka ku metelayay Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibedda c/qaadir Axmed Kheyr ayaa caddaysay in aysan diyaar u ahayn dib u dhigista dacwaddaasi iyo in ay wada hadal la yeelato kenya.

GOLAHA AMAANKA AFRIKA waxa uu ka kooban yahay 15-xubnood oo ka kala yimid

Dalalka Bartamaha Afrika: 3 kursi

 Dalalka Bariga Afrika: 3 kursi

Dalalka Woqooyiga Afrika: 2 kursi

Dalalka  Koonfurta Afrika: 3 kursi

Dalalka Geeska Afrika: 4 kursi

Waa guddi ka kooban 15 xubnood oo wareegto ah, waxaa codka ugu badan haysata Somalia oo 2 ka heysata 3-da kursi ee Bariga Afrika, waxaana dalalka ku jira ee ay Somalia taageerada ka haysataa ay gaarayaan ilaa 7 dal iyo dalka Guddoonka haya oo aan isagu cod lahayn balse wax la farsamaynaya kaasoo ah Marooko, .

Dalalka Somalia la safan ee aannu magacyadooda helnay waxaa ka mid ah Gabon, Nigeria, Togo, Jabuuti, Rwanda, iyo Marooko oo Guddoonka haya.

Halka kuwa Kenya la safan oo 6 ah aan magacyadooda helnay Aljeeriya, Burundi, Siera Leone oo laftiisa la sheegay inuu kasoo hari karo Kenya. Magacyada 3-da dal ee kale maynaan helin.

Golaha Amaanka afrika  ayaa kulankii ay yeesheen la isku mari waayay iyadoo ay dalalka Somalia la safani soo jeediyeen in aan dacwaddan aan far la saarin maadaama ay hor taallo hay’ad caalami ah oo xaq maamul (jurisdiction) u leh inay kiiskan xugmiso.

Ma muuqato sabab kale oo ay kenya ku wijihi karto kiiskan waan dhabar jabkii ugu weynaa oo ay kala kulanto madaxda soomaalida.