Trump oo ka baxay Isbitaalkii lagu daawaynayey xili uu qabo Coronavirus
Khuburada caafimaadka ayaa su’aalo iska weydiinayo go’aanka Trump uu uga soo baxay isbitaalka lagu daweynayay si uu u salaamo taagerayaal ku sugnaa dibedda isbitaalka isagoo saaran gaari
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad Judd Deere ayaa sheegay in dhakhaatiirta daweyneysa madaxweynaha ay siiyeen ruqsad uu ku baxo iyagoo sheegay inay tahay mid badqab leh.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo kooban ka maqnaa cisbitaalka sii uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka cisbitaalka lagu daaweynayay.
Madaxweynaha ayaa ku jiray gaari madow waxaan la arkayey isaga oo afka xiran islamarkana taageerayaasha uga gacan hadiyay gaarigii uu ku jiray.
Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay bartiisaa Twitterka ku qoray in uu si kedis ah ula kulmi doono taageeraayiisha.
Mr Trump, oo lagu dhaliilay sida uu u maareeyay cudurkan safmarka ah, ayaa sidoo kale sheegay inuu wax badan ka bartay viruska.