Tirada dadka ka barakacay fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo la shaaciyay

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan fatahaadaha ku dhuftay dalka.

Qaramada Midoobay ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ku dhow nus milyan qof ay ku barakaceen fatahaadda uu Soomaaliya ka geystay webiga Shabelle.

Sidoo kale Warbixinta ay soo saartay hey’adda Isku dubaridka Arrimaha Gargaarka Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo OCHA ayaa lagu sheegay in afartii billood ee ugu dambeysay ay fatahaadaha iyo daadadka jira ay barakiciyeen dad gaaraya ilaa 341,884, guud ahaan Soomaaliya.

Hey’adda FAO waxay sheegtay in cabirka biyaha Wabiga Shaeelle ee dhax mara magaalada Beledweyne uu iminka gaaray 7.5m waxaana ay ka digtay fatahaad hor leh.

Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isaguna waxaa fatahaadda Wabiga ku barakacay 131,422. Waxaa sidoo kale burburay dhul beereed baaxad leh gaar ahaan magaalooyinka Afgooye, Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay.

Gobolka Hiiraan oo kaliya waxaa ay fatahaada Wabiga shabeelle saameysay 28,000 waxaana jirta cabsi laga qabo Wabiga gaar ahaan magaalada Beledweyne oo uu Wabigu leeyahay meelo jilicsan oo uu ka fatahi karo.

dhawaan ayey ahayd markii ay shaaciyeen qaramada midoobay in lacag dhan 9.26milyan ay sheegeen in ay ugu deeqi doonaan dadka ay saameeyeen wabiga shabeelle iyo jubba .

Sidoo kale Axadii ayey ahyd markii dowlada Soomaaliya iyo Talyaaniga ay heeshiis ay ku gaaren mashruuc wax looga qabanayo xaalada Wabiga Shabeele Gaar ahaan magaaladda Baladwayne.