Taiwan oo wajaheysa cambaareyn iyo cadaadisyo caalami ah, kadib xiriir ay la sameysay maamulka Soomaali-land.
Xiriirka u dhaxeeya maamulka Taiwan iyo maamulka Soomaali-land ayaa waxaa cambaareyn Caalami ah kaga timid Dalalka caalamka ee daneeya madaxbanandida Dalalka Dunida.
Taiwan oo maamul hoos tagta china ayaa cadaadis ba’an kala kulmeysay dowlada shiinaha tan iyo markii ay so faragalisay madaxbanaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya, halka maamulka Soomaali-land oo ah maamul iskiisa madaxbaani ugu dhawaaqay, kana mid ah Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, isna lagu cadaadinayo in ay ilaaliyaan midnimada Soomaaliya.
Dowlada Faderaalka iyo shiinuhuba heshiiska labada maamul ee Taiwan iyo Soomaali-land waxa ay ku tilmaameen waxba kama jiraan ah.
Wasiirka arrimaha dibedda jasiirada aqoonsi raadiska ah ee Taiwan Joseph Wu ayaa sheegay inay cadaadisyo xooggan kala kulmeen xiriirka cusub ee ay la sameysteen maamulka Soomaali-land, xilli uu dhawaan ka qeyb galay munaasabadda furitaanka xafiiska laga furay Taipei .
Dabayaaqadii bishii July ee inaga tagtay ayey aheyd markii ay madaxda labada wadan ee Soomaaliya iyo China ay ku kulmen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaas oo ay kaga arrinsadeen sidii labada dal ay u adkeyn lahaayeen madaxbanaanida, midnimada iyo wadajirka labada dal