Soomaaliya oo ka qayb gashay shir ka furmay magaalada Adis-ababa.
Wasaarada Ganacsigga Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya oo taageero ka helaysa Hay’ada IFC oo ka tirsan Bankiga Adduunka ayaa magaalada Adis- ka daahfurtay shir looga hadlayo sidii loo dhiiran galilahaa maalgashi caalami ah oo Soomaaliya laga sameeyo.
Shirkaan oo socon doona mudo 3 cisho ah waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka kala socda dowladaha Soomaaliya, itoobiya iyo hay’adaha. waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii loo horumarin lahaa dhinacyada kala duwan ee Maal-gashiga.