Soomaaliya oo ka qayb-galaysa shirwaynaha waxbarashada Afrika.FacebookTweet

Raysal-wasaare ku xigeenka Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafti uu hogaaminayo oo uu qayb ka yahay wasiirka waxarashada ayaa gaaray Dalka Jabuuti halkaas oo ay uga qaybgali doonaan shirwayne looga hadlayo arimaha waxbarashada Afrika.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in ay kasoo qaybgalaan madax ka socda dawladaha afrika, inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa Heerka waxbarasho ee Dalalka Afrika sidii lagu Hormarin lahaa, waftigga soomaaliya ayaana lagu waddaa in ay kulamo la qaataan madaxda kasoo qaybgalaysa shirka.