Somaliland oo ka naxday kana carootay Isbahaysi Carbeed oo ay xubin ka noqotay Somalia.
Maamulka Somaliland ayaa si weyn uga soo horjeesatay shir wasiirrada arrimaha Dibadda waddamada kutladda Badda cas iyo Gacanka Carabtu ku yeesheen Magaalada Riyaad ee Caasimada waddanka Sacuudiga.
Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ku taagan tahay mawqifkeedii hore ee ahaa in aanay wax wadashaqayn ah la yeelaan waddamada iska kaashanaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa inta la dafirayo xuquuqdeeda muhiimka ah sida qoraalka lagu yiri.
“Somaliland waa dal madax bannaan dal kale uma daba fadhiisanayso Xuduudaheeda Badeed” ayaa lagu yiri qoraalka.
Somaliland ayaa dambi wayn oo aan la aqbali Karin ku tilmaantay Heshiiska 8 wadan ee ku bahoobay isbahaysiga Badda cas iyo Gacanka Carabta oo ay Soomaaliya Xubin ka tahay.
Isbaheysigan cusub ayaa waxaa ku mideysan illaa sideed dal oo isugu jira dalal carbeed iyo Afrikaan xad la leh Badda Cas iyo Gacanka Cadan, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal la doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga iyo is dhex galka dhaqaale ee Gobolka.
Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Sacuudi Carabiya, Suudaan, Soomaaliya, Jabuuti, Masar, Urdun, Yemen iyo Eritrea ayaa saxiixay Axdiga Golaha ee loogu gogol xaarayo shirka Madaxda wadamadan ee dhawaan la qabanayo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudi Carabiya Amiir Faisal bin farhan ayaa sheegay in ay daneynayaan in xaalada gobolka ay noqoto mid degan oo aysan sii kicin mushkiladaha adduunka ka jira.