Somaliland oo ka hadashay Ciidamo Iyo Saraakiil Puntland u galay
MUQDISHO ( SAREEYE FM ) Wasiirka Gaashaan dhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa ka hadlay Ciidamada iyo Saraakiisha ka tirsanaa Somaliland, Kuwaasi oo ku Biiray Puntland.
“Ciidamadii ka baxay Somaliland, waxay Noqdeen Dawlad Dumis, waa la Maxkamadayn doonaa, Maalinta uu kasoo Noqdo ayaa Xukunka lagula soo dhaqmi doonaa”.
Mar la waydiiyey inay Amar ku bixiyeen inay Weeraran magaalada Badhan ayuu sheegay “Meelkasta ciidnku waa tagayaan, Badhan waa Somaliland, Meel ka Xaaraan ah ma jirto Ciidanka”.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Sababta ka dambaysay Maxaabiistii Ciidamada Puntland ee dagaalka lagu Qabtay dagaalkii Tukaraq ee lasii daayey, Wuxuuna sheegay inay Waan waanta ka dhex waday labada dhinac Beesha Caalamku.