Somaaliya oo Kenya kaga Guuleysaneyso Dacwadda badda.

MUQDISHO ( SAREEYE FM ) Maxkamadda Caalamiga icj waxaa Hortaala Dacwad ay kal hore u gudbisay Somaaliya Taas oo ku saabsan in Qeyb kamid ah Badda oo ay Kenya dooneyso inay Xoog ku qaadato.

Waxaana lagu wadaa in dabayaaqada Sanadkan ee Maxkamdda ICJ ay Go’aan kama Dambeys ah ka qaadato Muranka 10 jirsanaya Ee u dhaxeeya Somaaliya iyo Kenya.

Dalalka Mareykanka ingiriiska iyo Norway ayaa Somaaliya ku Taageeraya Dacwaddan Kadib markii ay ogaadeen in Kenya aysan laheyn Biyaha ay u doodeyso.Taaso iyana Dhabar jab ku Noqotay Dowladda Kenya.

Arimahaas oo is biirsaday ayaa Somaaliya u sahleysa in Si fudud Kenya kaga guuleysato Dacwadda Badda ee Hortaala Maxkamadda ICJ.

Markii ay ogaatay Xukuumadda Nairobi inaysan ku guuleysaneyn boobka ay dooneyso inay ku qaadato qeyb kamid ah Biyaha Somaaliya ayey Bilowday Falal Guracan oo ka dhan Dadka Somaaliyeed.

Bil gudaheed ay ku kacday Falal dhib ku ah Dowladda Somaaliya iyo Shacabka Somaaliyeed iyadoo Go’aankii ugu Dambeeyay Soo saartay dhamaadkii todobaadki kaasi oo ahaa In Badeecadaha laga Somaaliye ee laga qaado ee la geeyo Dalkaas ays