Siyaasinta Mucaaradka oo walwal iyo dhibaato ka qaba Doorashada soo socota
Siyaasinta Mucaaraadka ayaa durba bilaabay qaylo dhaan iyo dhaliilo ay durba Soo jeediyeen, ayadoo wali aan lagaarin Doorasho.
Siyaasinta Mucaaradka oo is xulufaysi kawada Neyroobi iyo Muqdisho ayaa walaac ka qaba doorashada dhacaysa horaanta Sanadka 2021da.
Mucaraadka oo Dowlada ku dhaliilayey Mudo kordhin inay samaysanayso, ayaa hada bilaabay walwal ku aadan Dorashada in waqtigeeda ay ku dhacdo, sida habaraca Doorashada ku qoran.
Mucaaradka oo qaar kood ay ka mid yihiin Masuuliyiin xilka ugu sareeya wadanka ka soo qabtay, ayaa dhaliilo iyo tukun aan waxba ka jirin uu soo jeediya Madaxda haatan talada haysa, ayagoo dadka shacabka dhaga hooda ku shubi jiray in Dowladu ay qorshaynayso mudo kororsi.
Balse Madaxwaynihii hore ee Dowalda Faderaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo hada ka mid ah Siyaasinta Mucaaradka ku ah Dowlada ayaa mudo kordhin samaystay mudadii uu xilka uu hayey.
Xasan shiikh oo la doortay bishii September sanadii 2012 ayaa xilka kadagay February 8 waxuu ku darsaday mudo kororsi dhan ilaa lixbilood, taasi oo ahayd sifo sharci daro ah.
Sidoo kale Madaxwaynihii hore ee Dowladii ku meel gaar ahyd Shiikh Shariif oo kamid ah siyaasinta mucaaradka ayaa asana sameeyey mudo kororsi halsano ah.
Walalka ay ka qabaan siyaasinta Mucaaradka Doorashada ayaa waxay kulumo kawadaan Neyroobi waxaana halkaasi ku sugan siyaasiin Badan oo doonaya xilka Madaxwayne, ayadoo xusid mudantahy in kenya iyo imaaradka ay daba ka riixayaan, sidoo kalana damaca kenyana uu yahay madax jilicsan oo ay ka samaystaan danohooda gaarka ah, sida in bada loo saxiixo, qaadka Soomaliya in lagu soo celiyo, iyo dhulka Soomaliya lagu wareejiyo kenya.
Sidoo kale imaaradka Carabta aya asna qorshaynaya in dalka dib uu ugu soo laabto waxa uuna saamayn mug wayn ku yeelan doonaa in uu dhiso siyaasiinta mucaaradka, asagoo damaciisa uu yahay in ciidamadisa uu dib ugu soo celiyo iyo faragalknta Dowlada kale oo shisheeye