Siyaasi u dhadshay Kenya oo ka hadlay xalada labada ee Kenya iyo Soomaaliya

Siyaasi u dhashay kenya islamrkana Falanqeeya siyaada dalkassi, ayaa tilamay in dowlada Soomaliya Go, aanada ay qadanayso ay tahay mid ka turjumaysa qaranimadeeda.

Herman Manyora oo ah nin u dhashay Kenya ayaa soo jideeyey in Dowlada Soomaaliya ay ka Go’antahy in ay ilaashato qaranimadeda iyo madaxbanaanineda, islamrkana dalkasta looga baahan yahay in ilaashdao dhulkiisa iyo Badiisaba.

“Runta hadaan kahadlo Madaxweyne Farmaajo Soomaaliya oo Matoor Densan ahayd ayuu dib usoo Kiciyey , iyadoo aan Qaran lagu sheegi karin ayuu Qaran ka dhigay .

Waatan Soomaaliya maanta Dusha ka maraysa oo Weliba Xiiso weyn u Yeeshay Visaha Dalkeeda lagu Galo ,,Waan sugaynaa Maalamaha Soo socda wuxuu sameeyo “

Sidaas waxaa Yiri Herman Manyora oo ah Khabiir Keenyaati ah oo Siyaasada ka Faalooda.

Intaasi waxuu daray in sharuudahaan lagu soo rogay muwaasinta Kenyaanka ah ay tahay mid lagula xisaabtamidoonan dadka u safra Soomaaliya iyo waxyabaha ay ka qabanayan dalkaasi.

Siyaasigan ayaa ku nuxnuxsaday in warqaaha cadaynaya Caafimadka, islamrkana ka turjimaysa in shaqsiga uu ka dhowr sanyahy xanuunka Covi19, lagu samayso Goobo ku yaala Caasiamda Dalkaasi, taasina ay sabab u tahay xisaabtan la, aan iyo in aan laga war hayn halka laga keeno.

Dowlada Soomaliya ayaa shacisay in 13bishaan laga bilaabo ay muwaadiniinta Kenyanka ay toos oo la macaamili doonaan Safarada Soomaaliya ee Kenya, islamrkana ay visaha ka soo qadan doonan dalkaasi