Siihaya Wasiirka Dastuurka ahna Gudoomiyaha Gudiga Farsamada ee kasoo tala bixinta Doorashooyinka oo sheegay nooca doorasho ee la doonayo inay Dalka ka dhacdo.
Siihaya Xilka Wasiirka Tastuurka Dowlada Faderaalka Soomaliya Saalax Axmed Jamac ayaa sheegay in hadii ay iswaafaqaan wada xaajooydaya siyaadadeed iyo sharciga baarlamanka, lagaari karo doorasho xaqiiq ah oo waqtigeeda ku dhacda.
Siihaya Wasiirka ahna Gudoomiyaha Gudiga farsamada ee ka talabixinta doorashooyinka oo ka qayb galay kulanka todobaadka jimcaha ee Warbaahinta qaranka ayaa xusay in ay socdaan wadatashiyo, loona baahanyahy in la isla meel dhigo wax lawada ogolyahay aas aasana unaqon kara dimuqraadiyada,
Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Gudiga farsamo Ee doorashooyinka ay sameeyeen dadaal iyo cilmi baaris ku wajahan soo aruurinta talooyinka wax ku oolka Ah, oo qayb ka noqon kara suurta galnimada hanaan Doorsho oo lagu qanacsan yahay.
Wasiir Salax ayaa carabka ku dhuftay in muhiimada Doorashada Dalka, ladoonayo in ay ka dhacdo ay tahy in ay noqoto mid ka duwan midii 2016kii ee Dadbanayd.
Abaabulka lagu hirgalinayo doorashadaas ayuu sheegay in diirada lagu saarayo in laqabto doorasho ka duwan tan ay ku timid Dowlada Faderaalka Soomaliya oo ah mid dadban 51 qofna ay u codeeyeen Xildhibanka.
“2016kii waad garanka karataan arintu sida ay ahayd, Taas ayaa larabaa in laga guuro, lana hiigsado doorasho qof iyo cod ah, fursadana halasiiyo Shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri Siihaya Wasiirka Tastuurka .
Balse dhanka kale waxaa midaas mid ka duwan qaba qaar kamid Maamul Gobaleedyada oo iyaga raba in ay awooda ay isku koobaan, waxayna rabaan in dalka doorasho dadban ay dhacdo si ay fursad halkaasi oga buurtaan.