Siihaya Wasiirka Batroolka oo xilkiisa ku wareejiyey Gabar uu dhalay

Warqadan oo leh astaanta wasaarada Batroolka Soomaaliya, iyo saxiixa siihayaha wasaarada Batriolka Soomaaliya; Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed, waxa ayna sheegeysaa in jagadaasi loo magacaabay gabar lagu magacaabo Sumayi Cabdirashiid Maxamed.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Sumayo Cabdirashiid Maxamed ay tahay gabar uu dhalay wasiir Cabdirashiid Maxamed, waxa ayna la wareegtay email-ka wasaarada ugu soo dhacaan ama loogu soo diro fariimaha caalamiga ah ee shirkadaha waa weyn ee shidaalka.
Warqadani ayaa dhalisay hadal heyn iyo buuq farabadan taasoo markii dambe gaartay madaxda sare ee dalka, sii hayaha xilka wasaarada Batroolka Soomaaliya Eng Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa beeniyay in warqadani tahay mid sax ah, wuxuuna ku tilmaamay been abuur ama Fake.
Hase ahaatee xiriiro aan la sameynay saraakiisha booliska oo wax ka weydiinay aan weydiinay ayaa inoo sheegay in aysan jirin dacwad ka dhan ah cida sameysay been abuurka ee warqada magacaabida Sumaya Cabdirashiid Maxamed.
Taasoo dhalin karta shaki ah in sida ay ku suurtagashay in la copy gareeyo saxiixa Wasiir Cabdirashiid iyo sumada wasaarada batroolka sida Shaabada wasaarada