Sii Hayaha Wasiirka Gaadiidka oo ka hadlay diyaarad ku burburtay Garoonka Muqdisho

Sii Hayaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa ka warbixiyay diyaarad xamuul ah oo saaka ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in diyaaraddan oo aheyd mid xamuul ah ay saaka ka duushay garoonka, kuna sii jeeday Beledweyne, balse markii ay cabaar maqneyd ay soo sheegtay in cilad soo wajahday, dibna ugu soo laabatay.

“Markii ay baxday diyaaradda waxay la soo hadashay Towerka, waxay soo sheegtay in cilad heysato, waa soo laabatay, runway-ga dhanka badda ayay ka soo degtay, ayadoo loo diyaar garoobay ayay ka dhex baxday runwauga, waxayna ku dhacday darbiga air porka ku wareegsan ee dhinaca badda xiga”ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Waxaa uu sheegay in dhaawac weyn uu soo gaaray diyaaradda oo ay ka burburtay qeybta horw, isagoo xusay in 3 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda la soo badbaadiyay oo aanu dhaawac weyn soo gaarin, halka qof kalena uu gudaha diyaaradda ku jiray oo banaanka loo soo saari rabo sida uu yiri.

Howlihii garoonka ayaa hakad ku yimid, waxaana diyaaraddo saaka soo degi lahaa lagu wargeliyay in garoonka shil ka dhacay oo diyaaradda ay ku dhacday meel aan sidaa uga fogeyn runwayga.

Diyaaradda Freedom duulimaadkeeda saaka ee Nairobi iyo Muqdisho ayaa lagu wargeliyay inay dib u laabatay, waxaana ay ku degtay garoonka diyaaradaha Wajer