Siciid Cabulaahi Dani iyo Axmed madoobe oo shir layeeshay Beesha Caalamka, kadib Safar ay ku imaadeen shalay Magaalda Muqdisho

Hogaamiyaasha maamulada Jubaaland iyo Putlaand ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayadoo ay soo dhawayeen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Faderaalka Soomaliya, iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (cumar filish) iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada.
Labadan hogaamiye ayaa kulan kula qaatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade, Safiirka u fadhiya Maraynka Donald Yamammoto.
Kulankaan ayaa ahaa mid looga arinsanayey sidii looga shaqayn lahaa arimaha Doorashooyinka ayadoo walaac ay ka muujinayaan Qodobadii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb Saddex, kaasi oo qayb ka ahayn Jubaalaand iyo Putlaand.P
Dani iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale kulan laqaatay Wakiilada kale Beesha Caalamka, oo uu kamid yahay Safiirka UK ee Soomaaliya, Ben Fender.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Putlaand ayaa lagu yiri”
“Madaxwaynayaasha Maamulada Putlaand iyo Jubalaand ayaa kulan laqaatay wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaliya, sida Qaramada midoobay, Mareynkanka, UK, Sweden. IGaad, Africaan Union, Midawga Yurub iyo Talyaaniga, kulanka oo xunbno kamid ah ay kaga qayb qaateen hab maqal iyo muqaal ah waxaa looga hadalay Xaalada Guud ee Soomaiya, gaar ahaan arimaha Doorashooyinka 2020/21, iyo sidii ay dalka ooga dhici lahayd doorasho la isku waafaqsanyahay oo waqtigeeda ku dhacda.
Dani iyo Axmed Madoobe ayaa la rumayasan yahay in Safiirka Mareynka iyo Xubne kale ee Beesha Caalamaka ay lawadageen Qoraal ku saabsan qodobo ay diidan yihiin Warmurtiyeedkii shirkii Dhuusamareeb3