Shirkii Garowe: Qodobada lagu heshiin la’ yahay.

GAROWE, SOMALIA-(SAREEYE) – Maamul goboleedyada iyo dowlada federalka oo ku shirsan garoowe ayaa weli heshiis gaari la’.
Dowlad goboleedyada oo uu hogaan u yahay Saciid Dani, madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa la yimid shuruudo cusub. Shuruudaha ayaa waxaa ka mid ah:
- In Madaxweynaha uu soo wareejiyo awooda Arimaha dibada. Kuna soo wareejiyo Maamul goboleedyada.
- In heshiiskii Shidaalka ee lagu saxiixay Shirkii maamul goboleedyada dib loogu noqdo.
- In doorashada “Qof iyo Cod” ay golaha wasiirada ansixiyeen laga noqdo. In doorasho qof iyo codkiis lagu badalo xildhibaano ay soo xulaan Maamul goboleedyada.
- In Madaxa Maamul goboleedka Galmudug Axme Ducaale Geele (Xaaf) loo kordhiyo labo sano; Lana baajiyo doorashooyinka Galmudug soo socda bish October 2109.