Shirkii Baarlamaanka Aduunka Oo Maanta Lasoo Gabagabeeyay……..
waxaa maanta magaalada moscow ee dalka rushka lagusoo gabagabeeyay shirka madasha baarlamaanka aduunka oo ay qeyb ka aheed dowlada somaliya
shirka ayaa inta uu socday waxaa lagu gorfeeyay doorka ay xeerdajiyaasha aduunka ku yeelan karaan xal u helida mushaakilada caalamka ka jira
Gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka cabdi xaashi abdullahi oo dalkeena somaliya u matalayay kulanka ayaa madasha ka jeediyay khudbad oo kaga hadlayay hanaanka muhiimka ee ay tahay in lagu xaliyo Madasha Baarlamaanada Aduunka,taasi oo si weyn loo gorfeyeey intii uu socday shirkaasi .
gudoomiyaha aqalka sare ayaana sheegay in kulanka uu muhiim u ahaa baarlamaanka aduunka sidii ay iskaga kaashan lahaayeen xal u helida mushaakilada caalamka ka jira.
Gabogabadii madashada waxaa ka hadlay Madaxweynaha dalka Ruushka Fladamir Butin oo sheegey muhiimada iyo doorka ay Baarlamaanada Adduunka ku leeyihiin xalinta dhibaatooyinka jira.