Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya Airways oo joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay Muqdisho

Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways ayaa soo saartay go’aan ay ku joojinayso duulimaadyadii ay ku aadi jirtay Soomaliya.
Duulimaadyada Kenya ayaa waxaa dhibaato ku qabay Shacabka Somaliyeed ee u safri jiray Kenya, ayadoo lagu dhibaateen jiray Wajeer Oo ahayd marinka diyaaradaha Soomaliya ka taga, waxaa lagu baari jiray magalada Wajeer, balse Shacabka Soomaliyeed ayaa dhiibaato ku qabay marista Wajeer.
Madaxwaynaha Jamuuriya faderalka mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo wada hadal uu laa sameeyey dhigiisa Uhuura Kenyaata 14 Nofeembar sanadii 2019ka, ayaa ugu damabayn ku guulaysray in diyaaradaha kabaxaya Muqdisho ay toos u tagaan magalada Neroobi ee Caasimada Dalka Kenya.

Balse kadib xogaysiga arimaha Dacwada bada iyo dawlada Kenya Oo ku riixaysa dawlada Soomaliya ayaa dib usoo xalisay culaysyada duulimaadyada Muqdisho Ilaa Neroobi, iyadoo xiliyada qaar ay qashqashaad ay ku sameyaan masuuliyiin katirsan dawlada Soomaliya .
Shikada Kenya Airways ayaa bishii November sanadkii 2018kii bilawday duulimaadyada Magalada Muqdisho, ayadoo ka hawl gali jirtay tan iyo markii uu bilawday xanuunka Covid 19,taasi Oo Dowlada Soomaliya, ay ku xakamaynaysay faafitaanka xanuunka Coronavirus.
Balse lama sheegin Sababta ay u joojisay duulimaadyadii ay samayn jirtay Shirkadda Kenya Airways, Kuwaasi oo ay ku imaan jirtay Soomaliya gaar ahaan Caasimada.
Warar hoose ayaa waxay sheegayan in sababta loo joojiyey Duulimaayada Shirkada ay tahay in Dowalada Soomaliya ay diiday in qaadka Kenya uu soo galo gudaha Dalkeena Soomaliya.

Dawlada Somaliya ayaa 3dii bishaan furtay duulimayadii Caalimiga ahaa, balse waxay diiday in ay fasaxdo diyaaradihii qaadka ka keeni jiray Kenya, Kuwaasi oo soo gaarsiin jiray Gobalada Dalka iyo Magalada Muqdisho.
Sidoo kale Dawlada Kenya ayaa fasaxday duulimaadyadii Caalimiga ahaa ee imaan jiray wadan keenda, ayadoo liiska wadamada loo fasaxay kareebtay Soomaliya.
Tani ayaa ku soo beegmaysa kadib dhaga adeega madaxwayne farmaajo Ee ka dhanka ahaa xayiraad ka qaadista Kenya,taasi oo ay olale ugu jireen ganacsatada qaadka keenya sidii ay ugu heli lahaayeen suuq dhanka Soomaaliya.