Shirkad lacag sharci darro ka qaadda gaadiidka ka shaqeeya magaalada muqdisho
gaadiidleyda ka howlagala magaalada muqdisho ayaa cabsho balaaran ka muujinaya shirkad la magaca baxday barista guud ee matoorada gaadiidka (general motors test (GMT).
Shirkadan ayaa lacag baad ah ka qaada gaadiidka taas oo cadadeedu ay gaareyso 35$( soddon iyo shan doolar) oo sharci darro ah.
Lacagtan waxaa si qasab ah looga qaadaa gaadiidka raaxada iyo kuwa dadweynaha ee loo yaqaano (bl-ka).
Rag ku labisan dareeska ciidanka taraafikada iyo kuwa canshuuraha ayaa darawalada kaxeeya gaadiidka si xoog ah kaga qaada buugga gaariga waxaana ay u kaxeeyaan xaruumaha ay shirkadan (GMT) ku leedahay muqdisho.
Ciidamada soo qabta gawaarida ayaa la siiyaa lacag gaareysa 10$(toban dollar) waxaan 25$ ay u dhacdaa shirkada lagu magacaabo baarista guud ee matoorada gaadiidka (General Motors Test).
Lacagtan ma ahan lacagaha ay qaadaan wasaaraddaha gaadiidka iyo maaliyadda waana mid ku kooban shaqsiyaad u soo dhigtay nolol maalmeedka gaadiidleyda ka howlgasha magaalada muqdisho.
Arrinta ugu badan ee tuhunka galisay howsha sharci darrada ah ee shirkadan ayaa ah in guud ahaan lambarada ku qoran warqada rasiidka ee cadeyneysa in lacagta laga qaaday darawalka aysan gabi ahaantood shaqeyneyn waxaana dhowr jeer oo aan isku daynay in aan la xiriirno hae ahaatee aysan shaqeyneyn lambarada ku qoran warqada rasiidka
Hay’adaha amniga lama oga in ay ka warhayaan arrintan waxaana qaar ka mida gaadiidleyda oo nala wadaagay warqad ay siisay shirkadan taas oo cadeyneysa in ay bixiyeen lacag dhan 35$ ay inoo sheegeen in arrintan ay ka danbeeyaan shaqsiyaad gaar ah.
Dowlada waa in ay baaritaan dhab ah ku sameysaa lacagahan baada ah ee laga qaado muwaadiniinta ku nool magaalada caasimadda muqdisho.