Shirka madaxda Dowlada Soomaliya iyo kuwa Maamul Gobaledyada oo saacadihii la soo dhaafay ka furmay Madaxtooyada Soomaaliya

Shrika u dhaxeeya Madaxda Dowdalada Soomaliya, iyo kuwa Dowlada Gobaleedyada iyo sidoo kale Gobalka Baanadir ayaa goordhow ka furmaay Magalda Muqdisho, gaar ahaan Mataxtooyada Soomaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. ayadoo looga arinsanayo xaladaha dalka, iyo nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Shirkaan ayaa daba jooga Shirkii ka dhacay Magalda Dhuusa mareeb ee Xurunta Galmudug, kaasi oo laga soo sooray war murtiyeed, balse waxaa sicad oga soo horjeestay hogaamiyasha Jublaand iyo Putlaand, waxaana lagu wadaa in si wada jir ah looga soo saaro qobo la isku waafaqsan yahay.

Hogaamiyaasha Jubaaland iyo Putlaand ayaa mudadii ay ku sugnaayeen Magalada Muqdisho ka dhex waday siyaasiinta mucaaraadka, galangal siyaadeed, waxayna inta ay joogeen Caasimada ka ka qayb galeen shirar, ayadoo Axmed madoobe iyo Siciid dani ay jeediyeen qodbodo laga dheehan karo xanaf.

Manta ayaa waxaa si rasmi ah u furmay kulanaka u dheexeeya Madaxda Dowlada Gobaleedyada iyo Dwolada dhexe iyo sidoo kale Godoomiyadaha Gobladka Banadir, waxuna shirkaan hada ka socdaa Xarunta Madaxtooyada Soomliya ayadoo saacadaha soo socda, laga soo saari doono, Warsaxafeed ku aadan shirkaani.