Shacabka kenya oo Dowladooda Cadaadis ku saaraya sidii Soomaaliya heshiis dhanka Qaadka oo la gali lahaayeen

Dalka Kenya waxaa ka socda muran iyo dood xoogan oo u dhexeysa shacabka gobolka meru iyo dowlada Kenya.
Gobolka Meru ayaa ah gobol leh beeraha qaadka ee loo Soo dhoofiyo dudaha dalka Soomaaliya. Waana gobol ka taajiray muqayiliinta Soomaliyeed ee aan ku baraarugsaneen dhaqaalaha kaga baxay iyo dhibta qaadka.
Shacabka Kenya ayaa cadaadis kusaaray dowlada Kenya in ay Soomaaliya lala heshiiyo, si uu u bilaabmo ganacsigii qaadka loo dhoofin jiray dalka Soomaaliya.
Madaxweyne KU xigeenka Kenya William Ruto ayaa la hadla saxaafada iyo shacabka Kenya, wuxuuna ku hadaaqay in Soomaaliya ay tahay meel adag oo aan loo dhoofin Karin qaadka kasoo go’a dalka Kenya. Waxuu sheegay in Madaxwene Farmaajo uu yahay nin g’aan adag ka qaatay inuu Kenya codsigeeda u dabco. William Ruto ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo inuu yahay shakhsi Isla weyn oo isku taagaya dowlada Kenya.
William Ruto oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shacabka Meru ay dalag beereed kale ku badashaan beeraha qaadka. Wuxuu kaloo dadweynaha Kenya u sheegay in Madaxwene Farmaajo Uu mardhow galidoono doorasho, ayna kurajo weyn yihiin in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan kusoo noqon Madawyne nimada dalka Soomaaliya.
Wuxuu William Ruto shacakiisa Kenya ku booriyay in ay adkaystaan inta kadhiman doorashada Soomaaliya. isagaa intaasi ku daray in diyaar ay u yihiin in ay si walba u taageeraan musharxiinta u tartamaya xilka madaxweyne nimo ee dalka Soomaaliya, si looga adkaado Madaxweyne Farmaajo.
Dowlada Soomaaliya hada dalka ka talisa ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka joojisay meelo badan oo dalka Kenya dhaqaale kasoo gali jiray, sida Jaadka Kenya, diyaaradihii madaxda kasoo kiraysan jirtay Nairobi, tababaradii shaqaalaha dowlada Soomaaliya uu aadijireen dalka Kenya.

Sidoo kale masuuliyijn ay kujiraan wasiiro iyo xildhibaano tamashlaynta isbuuc walba u aadi jirtay Nairobi ayaa hada aadinŲŒ Iyo dowlada oo ku khasabtay in hay’adaha degan Nairobi ay usoo guuraan si loo Helo shaqo abuur iyo shaqo hufan.
Joojinta Qaadka ayaa noqday mid xanuun dhaqaale ku reebtay Kenya. Waxayna hada wacad ku mareen in ay si xoogleh uga qayb qaataan doorashada Soomaaliya ka dhici doonto.
Wargaysyada Kenya ayaa aad uga hadla dhaqaale xumada baahsan ee lasoo seexatay shacabka Gobolka Meru beerta Qaadka