Salaad Cali Jeele oo ka hadalay hadal ay jeediyeen dhawaan Madsha xisbiyada Qaran
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiinta Ku nool magaaladda Muqdisho ayaa si kulul kaga hadlay war ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaraan, kaasi oo uu ku tilmaamay hadal gaf ku ah Bulshada Soomaaliyeed iyo Dowladnimada.
Salaad Cali Jeelle oo ka hadlaya hadlka Madasha ka soo baxay ee ah in Mucaaradka ay ka barbar dhisi doonaan Xukuumad Gacan ku rimis ah xukuumdda Rasmiga ah ee hadda dalka ka jira ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid lagu doonayo in qal-qal iyo dib u dhac lagu galiyo dalka.
Sidoo kale Salaad cali jeele ayaa xusay in madasha hadalo xanaf ah ay dhaga shacabka ku shubayaan, waxayna u ololaynayaan in shirka ka socda Muqdisho uu is fahan waa ku soo dhamaado, iyagoo dabada ka riixaya Axmed Madoobe Iyo Siciid dani, oo kulamo badan la qaatay Madaxda Madashada Xisbiyada Qaran.
Dhanka kale madasha Xisbayada Qaran ayaa ku hawlan Doorasho oo kaliya, iyaga oo aan ka tacsiyeen dhacdadii ka dhacday isbuucii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ee lagu dilay Xamdi Maxamed Faarax.
dhawaan ayay aheyd ka dib markii Xildhibaan C.qaadir Cosoble oo ka tirsan golaha shacabka uu ku goodiyey in ay dhisi doonan xukumad gacan ku rimis ah.
Ugu dambayn Siyaasi Salaad cali Jeele ayaa hadalka Madasha Xisbiyada Qaran ku tilmaamay jees jees kaasi oo u muuqda in uu yahay hadal iska dheh, waxaana hadalkii uu xildhibaan cosoble sheegay uu ku tilmaamay mid aan loo baahneyn in dhagaha shacabka ay maqlaan.