Reysal Wasaaraha cusub oo sheegay in ay wax kaqaban doonto Xukumadiisa falalka tacadiyada ah ee lagu la dhaqmo Haweenka

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa shaaca ka qaaday lix arrimood uu mudnaanta koowaad siin doono, isla markaana ay xukuumadiisa cusub ay ka shaqayn doonto.

Rooble ayaa xusay in arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada, ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee xiligan ay xooga saari doonto xukuumadda uu hogaaminayo.

Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa ku dhawaaqay inuu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal dheer ku sameyn doona tacadiyada jinsiga ah ee ka dhanka Haweenka.

Khabiirkaasi ayaa waxa uu dabagal iyo baaris qoto dheer ku sameyn doona kufsiga lagula kaco haweenka iyo caruurta, kaasi oo muddooyinkii dambe kusoo badanayay caasimada.

Raysal wasaare rooble aya magacabistan samayn doona, asagoo latashanaya Hay’adaha Caadalada Dalka, midaas oo ay qayb ka ah talaaboyinka ay Xukumadiisa kaga hortagaso falalka arxagan darada ah ee lagula kacayo haweenkeena Soomaaliyeed