Resul Rasaare Khayre Oo Galkacyo Ku Wajahan….

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu waddaa in uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Safarka resulwasaaraha ayaa ku aadan sidii uu bulshadda halkaasi kunool kala hadli lahaa  in la dhameeyo  Khilaafka ka dhax jira  maamulka Galmudug.

Xassan ali khayre ayaa lagu wadaa in uu kulamo laqaato  siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda maamulka galmudug, islamarkaanauu ku qancin doono sidii ay galmudug kaga dhici laheed doorasho loo dhanyahay, isla markaasna ciidamada maleeshiyaadka ah ee kusugan magaalaada galkavyo looga mid dhigi lahaa ciidamada xooga.

Ra’isulwasaaraha ayaa doonayo inuu odayaasha kulan la qaato sidi ay hubka u wareeji lahaayen isla markaasna ay ciidamadaas la wareegto dowladda laguna daro liiska Ciidamada Dowladda ee mushaarka ka qaato Dowladda.

Maalmihii ugu dambeeyay resulwaaraha xukuumada somaliya xasan cali khayre ayaa waday qorshe uu ku xalinayo khilaafka ka dhax jira maamulka galmudug si ay doorasho uga dhacdo deeganada maamulkaasi