Ra,isul wasaaraha soomaaliya oo Hakiyay Mashruuc 112 Milyan Ku baxayo oo Lagu Dhisayay Afar Magaalo

Amar ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu hakiyay Mashruuca Horumarinta Dowladaha Hoose ee magaaalo madaxyada Dowlad Goboleedyada oo ay kala saxiixdeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka, qaar ka mid ah Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka iyo  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Amarka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono mashruuca, waxaana laga qeyb gelin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.