Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo gaaray Magalada Neyroobi ee Caasimada Kenya
Waxaa magaaladda Neyroobi ee Caasimada Dalka Kenya gaaray ra’iisul Wasaarihii hore ay kalsoonida kala laabteen xildhibaanadda golaha shacabka ee Xasan Cali khayre oo mudooyinkii dambe ku sugnaa magaaladda Jabuuti ee Caasimada Dalka Jabuuti.
Xasan Cali Khayre ayaa ku biiray Mucaraadka Dowlada Soomaaliya ayadoo Garoonka Diyaaradaha Jooma Kenyatta ay ku Soo dhaweeyeen siyaasin iyo qaybo kamid ah Madaxda Dalka Kenya.
Warar hoose oo Idaacada Sareeye ay heshay ayaa waxay Sheegayaan in Xasan Cali Khayre uu kulamo kala duwan la qaadan Doono Siyaasin badan oo ka tirsan Mucaaradka.
Kenya oo dooneysa in meesha laga saaro madaxweyne Farmaajo ayaa billowday kulamo siyaasadeed oo ay u qabaneyso xubno siyaasiyiin ah oo uu hor boodayo kheyre.
Sikastaba ha ahaatee Soomaaliya ayaa galaysa xaalad kala guur ah, iyadoo Kenya iyo imaaraadka ay si wadajir jir ah uga shaqeynayaan dib u dhaca soomaaliya iyo in ay qalqal galiyaan masiirka siyaasadeed ee dalka iyaga oo u maraya siyaasiyiin ay u Arkaan kuwo u fulin karaa ajandayaashooda siyaasadeed